Iyadoo Wadanka Turkiga Maanta uu ka furmayo Shir Muhiim ah oo looga hadlayo Xaalada Siyaasadeed Ee Soomaaliya islamarkaana ay ka qeyb galayaan Madaxda Soomaalida ayaa waxaa la shaaciyay in Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas uusan qeyb ka aheyn Shirka Maanta Turkiga ka dhici doona.
War laga soo xigtay Madaxtooyada Dowlada Puntland Ee Magaalada Garoowe ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Maamulkaasi uu Xalay ka Dhoofay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Addis ababa islamarkaana uu u duulay Wadanka Mareykanka.
C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la sheegay inuu Dalka Mareykanka uu u aaday Arrimo la Xarira Qoyskiisa oo uu halkaa ugu tagi doono.
Ka baaqashada Madaxweynaha Puntland Ee Shirka Turkiga ayaa lala Xariirinayaa Arrimo ay ka mid yihiin Puntland oo horay u sheegtay in aysan ku qanacsaneyn Natiijadii Shirkii Madasha Qaran ee Muqdisho lagu gaaray,iyadoo Madaxweynaha Puntland uu sheegay in ay ka go’ayaan Soomaaliya inteeda kale.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay