November 18, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweynaha Ruushka oo ka degay Siiriya muxuuse yiri

Madaxweynaha Ruushka ayaa ka degay Siiriya halkaas oo uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha Siiriya Bashaar Al-Asad. Putin ayaa ka soo degay saldhiga Alxamayuun ee galbeedka dalkaasi.

Ruushka ayaa Siiriya ka badbaadiyay burbur xoogan oo ay la damacsanaayeen Sucuudiga iyo Turkiga oo urur diimeed ahaan ula dagaalamay dawlada dalkaasi.



Siiriya ayaa ka mid ahayd wadamada hore u maray hadase waxay ku jiraan wadamada dib u noqdey 10 sanno. Madaxweynaha Ruushka ayaa sheegay in ciidanka badankiisu ku noqonayaan Ruushka.



Putin ayaa sheegay inuu la shaqayn doono Iiraan iyo TUrkiga sidii Siiriya markale uga mid noqon lahayd mid cagaheeda ku istaagta. Wuxuu balanqaaday haddii artgagixisadu madaxa soo qaado inuu si xun u garaaci doono.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS