Warar xogogaal ah oo ay qoreen saxaafada ka soo baxda Hargeysa ayaa xaqiijiyey in habeen-hore Madaxweynaha Somaliland Dhulka laga qaaday ka dib markii uu ku dhacay dhulka Xaalad Caafimaad-darro oo la sheegay inay soo foodsaartay awgeed.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa la sheegay inuu si lama filaan ah dhulka ugu dhacay isagoo wakhtigaasi ku sugan guriga uu ka degenyahay Aqalka Madaxtooyada Somaliland looga taliyo, sida lagu baahiyey warka.
Warka ayaa tibaaxaya in aan si rasmi ah loo garanaynin xaaladda caafimaad ee madaxweynaha haatan, balse xogta in muddo ahba caafimaadkiisu uu aad hoos ugu sii dhacaayay, iyadoo dhawr jeer oo is xig xiga loo qaaday madaxweynaha dhinaca iyo xarunta gobolka Saaxil ee BERBERA oo ay dhakhaatiirtiisu kula taliyeen inuu goob kulul badanaa joogo.
Wararka ayaa tibaaxaya inuu madaxweynahu miyir doorsoomay isla markaana qadar uu dadka dul taagan kala garan la’a, waxaana xogtu tilmaamaysa in loo malaynayo in macaankiiisu uu hoos u dhac weyni ku yimid taasina ay keentay inuu madaxweynahu miyir doorsoomo.
Xaaladda Madaxweynaha: Madaxweynaha Somaliland oo da’diisu tahay 84 sanno jir, ayaa lix sannadood ka hor markii lagu jiray ololahii uu ku doonaayay inuu tallada dalka ku qabto isagoo wakhtiga ku sugan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag waxaa madaxweynaha marka ku dhuftay xanuunka loo yaqaano qalalka fudud (mini stroke), kaasi oo marka si aan la dareemin waagaasi madaxweynaha loogu qaaday dalka Kenya.
Madaxweynahu markii uu hal sanno xilka hayay ayaa waxaa ku dhacay xanuun kale oo loo yaqaano (Dementia) ama ilawshiyaha, kaasi oo sababay inuu madaxweynahu lumiyo gebi ahaanba xasuusta fog iyo ta dhaw labadaba, muddo lix jeer ah ayaa madaxweynaha loo qaaday dhakhtaro dalka dibadiisa oo kala ah Nairobi, Hongkong, London, iyo Istanbul.
Laba sanno ka hor ayey madaxweynaha dhakhaatiirtiisa gaarka ah ee dalka ingiriisku si rasmi ah ugu wergeliyeen inaanu shaqayn karayn, taasi oo keentay inuu marlabaad isku soo sharaxi kari waayo tallada dalka.
Madaxweynaha ayaa waxaa sidoo kale haya xanuunadda dhiig karka iyo macaanka oo uu muddo 40 sannadood ah la soo tacalaayay, balse markani ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee madaxweynahu xaalad caafimaad uu miyir doorsoomo.
Xog ururintii Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
More Stories
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay