X

Madaxweynaha Somaliya ayaa cambaareeyay qaraxii argagixisada shabaab ay la eegatay dad salaada ku jira

Muqdisho–Madaxweynaha Somaliya ayaa sidii caadiga ahayd cambaareeyay falkii argagixisada shabaab kula beegsadeen xildhibaano gudanaya waajibaadka salaada.

“Aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hoteelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatey, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo”ayuu yiri Madaxweynaha oo war saxaafadeed ka soo baxay Xafiiskiisa.

“Waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana hubaa in weerarkan uu mar kale u caddeynayo shacabka Soomaaliyeed in kooxaha magaca diinta sida khaldan ugu gambanaya aysan wax xushmad ah u ahayn diinteena saliimka ee Islaamka ee nabadda ina fareysa, iyagoo dilaya dad Muslimiin ah oo ana waxba galabsan.

Ciidammadeena amniga oo kaashanaya ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), iyo shacabka marnaba joojin maayaan dagaalka kooxahaasi ka dhanka ah, ilamaa Soomaaliya ay nabad buuxda ka hesho’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Tirada dadka tukanayay ee ay xasuuqday argagixisada ayaa lagu sheegay ilaa 10 ay ku jiraan masuuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.