X

Madaxweynaha Somaliya oo faray xukuumada in loo gurmado degmada Qardho

Madaxweynaha Somaliya ayaa ku baaqay in laga hawlgalo u gurmadka degmada Qardho oo ay ku soo rogmadeen daadad xilli ayna jirin cidkale oo wax ka qaban karta.



Roob saacadihii la soo dhaafay ka da’ayay gobolka ayaa waxaa ay sababeen khasaare nafeed halkaas oo ay ku dhinteen  7 qof. Waxa kale oo jira guryo badan oo daadku qaaday.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Soomaaliya in ay Guddi Gurmad Qaran u saaraan xaalada oo la eego wixii laga qaban karo sdi ugu yaraan loogu gurmado inta ka badbaadey laakiin hadda cidlada jiifa.


“Waxaan idinla qeybsanaynaa murugada iyo dhibka, annaga oo xoogga saareyna sidii aan u uga qayb qaadan lahayn samata-bixinta qoysaska nugul ee maanta ay soo food-saartay dhibaatadu.

Dhammaan dadkeenna Soomaaliyeed, gaar ahaan reer guuraaga waxaan ugu baaqayaa in ay ka taxadaraan daadadka iyo fatahaadaha maadaama lagu gudo jiro xilli roobaadkii.”

Xooga iyo maalkii ummada ayaa u gacan galay horjoogeyaal fadhiga ku cuna ayagoo ku andacoonaya inay yihiin federaal

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.