X

Madaxweynaha Somaliya oo la kulmey dhigiisa Hindiya kadib casho sharaf loo sameeyay wafdiga+SAWIRO

Madaxweynaha Somaliya ayaa la kulmey dhigiisa Hindiya Modi kadib casho sharaf loo sameeyay wafdiga Somaliya ka socda. Ra,isulwasaaraha India Narendra Modi,kulankaas oo xooga lagu saaray wada shaqeynta iyo soo nooleynta xiriirka ganacsi iyo kan waxbarshada ee taariikhiga ah islamarkaana ahaa mid soo jireen ah.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa hor dhigay dowladda India sida dalkeenu xiligan uga soo baxayo dhibaatada uu mudada ku jiray ee dagaalada iyo soo afjaridda dagaalada Argagaxisada kula jirtay dowladda Soomaaliya.

Ra,isulwasaaraha Hindiya ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay ka taageeri doonaan arimaha waxbarashada, iskaashi laga yeesho la dagaalanka argagaxisada iyo taakuleynta dhanka mileteriga.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waddankiisu diyaar u yahay soo nooleynta xiriirkii ganacsiga ee Soomaaliya iyo Hindiya.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Delhi waxa uu la kulmi doonaa madaxda dalalka afrika ee shirkan ka soo qeybgalay.

 

admin:

This website uses cookies.