Madaxweynaha Suudaan ayaa ka caraysiiyay Erdogan oo ay isku urur diimeed yihiin wadaagaana akhwaan Muslimiin iyo Sucuudiga oo ah Wahaabiyada.
Labadaan urur diimeed ayaa weerar ku qaaday Suuriya si ay xukunka uga tuuraan madaxweynaha dalkaasi oo ay ku sheegeen inuu yahay Shiico.
Waxa talaabadaasi ku qaxay kuna guryo beelay dad ka badan 4 milyan oo Siiriyiina, badankooduna galay Turkuiga, Urdun iyo Yurub.
Siiriya ayaa ahayd wadan xadaaradleh waxase wax weyn u dhimey labadaa urur diimeed ee ay kala hogaamiyaan Turkiga iyo Sucuudiga iyo kuwa ku hoos jira ee Yuhuuda iyo Maraykanka kow ka yihiin.
Siiriya oo Ruushku u soo gurmadey ayaa hilfaha u qaaday dhamaan argagixisadii wahaabiyadu taageersanad ee Daacish iyo kuwa Turkuigu taageersanaa ee loo baxay ciidanka xorta ee Siiriya.
Taasina waxay keentay in argagixisadii lagu aruuriyay hal gobol kaliya kiina hadda wadahadalo u socdaan sidii loo xoreyn lahaa.
Booqashada madaxweynaha Suudaan ayaa muujinaysa in Siiriya tahay wadan hadda aad u awood badan oo caawin karta dalalka kale, waxana meesha ka baxdey colaadii urur diimeedyada carabtu ka wadeen dalkaasi.
Erdogan ayaan ku farxi doonin booqashada madaxweynaha Suudaan uu ku tagey Suuriya oo noqonaysa madaxweynihii ugu horeeyay ee dalkaasi taga muddo 8 sano ah.
Rashiid Ceelaanypo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay