X

Madaxweyne Afrikaana oo xafiiskiisa uga cararay mas

Madaxweynaha dalkaasi gaajada ah ee Leybeeriya ahna ciyaaryahankii mudada haystey laacibnimada aduunka iyo tan Afrika  Joorj Weeca ayaa la xaqiijay inuu xafiiskiisa ka maqan yahay kadib markii lagu arkey masas madow oo soo istaagey barxadda hore ee laga galo wasaarada arimaha dibedda oo ah halka xafiiska u ah hadda.


Madaxweynaha ayaa xafiiskiisu tahay wasaarada arimaha dibedda kadib markii dabweyni qabsaday xaruntii madaxyooyada ee dalkaasi taasi oo ku tusinaysa fashilnimada qaran ee dalkani ay aasaaseen adoomihii ka soo baxsaday  adoonsigii dadka madoobaa ee Maraykanka.


“Waan kala cararney madaxweynaha wasaarada si aan u buufino wasaarada gebigeeda, waxana noo balana in madaxweynuhu dib ugu soo noqdo Isniinta ayuu yiri nin u hadley dawlada.

Masaska la arkey ayaa ilaa hadda aan la dilin, inkastoo la arkey ilaalada wasaarada oo kala yaac ku Jira.


“Dhismahani waa duugoobey waxana aan jirin bulaacadihii qaadayay wasakhda, waxa muuqata inay jiraan daldaloolo badan oo ah halka masaskani ka soo galeem dhismaha. Maska ayaa inta badan daba socda jiirka oo cunto u ah iyo cayayaanada kale.

Madacweynaha ayaa xafiis ka dhigtey gurigiisa ayadoo la arkey ilaaladiisa iyo booliis hubeysan oo wadooyinka xirey.

Rashid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.