X

Madaxweyne Buutin oo soo afjaraya colaada Turkiga iyo Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa Ruushka hordhigey sida lagu soo afjari karo colaada Turkigu u qabo Suuriya kadib markii uu sanado badan isku dayay inuu burburiyo Suuriya. Turkiga ayaa welli haysta qaybo ka mida Suuriya, isagoo halkaa ku xanaaneeya maleeshiyo uu tababaray.



Kadib muddo dheer oo madaxweyne Falaadhimeer Buutin ka dhaadhiciyay Dayib Erduqaan inii soo afjaro dagaalka uu ka wado Suuriya maadaama Ruushku joogo haddana dalka boqolkiiba 90 ka taliyo madaxweyne Asad inuu jaarkiisa la heshiiyo.

”Waxaan isa qaadanay madaxweyne Falaadhimeer Buutin in marka hore hoos wax laga soo bilaabo oo ay is arkaan wasiirada arimaha dibedda iyo gaashaandhiga kadibna madaxdu is aragto, waana ila qaatay ayuu yiri Dayib Erduqaan.



”Waxaan bilaabaynaa wadahadalo aan ku soo afjarayno colaada ayuu raaciyaya Rajab Erduqaan oo diidan in gobolka uu ku hayo argagixisada ee Idlib ciidanka Suuriya qabsado halkaasna qaxooti cusub ka dilaaco.



”Ogolaansho ka qaadan mayno Maraykanka inaan jaarkayaga la hadalno ayuu ku celiyay Rajab Erduqaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.