X

Ciyaartii Marooko iyo Faransiiska oo dib loo ciyaari karo iyo sababta

Maamulka kubada cagta ee Marooko ayaa dacwad ka gudbiyay garsoorihii ciyaartii ay la ciyaareen Faransiiska asagoo garsooruhu u muuqday mid ku fadhiistey laba mar. Garsooraha ayaa inta badan cadaawad u muujiyay ciyaartowda Marooko marka aad fiiriso dhinaca istuurka.

”Waxaan dacwad u gudbinay ururka maamula kubadda cagta adduunka ee loo soo gaabiyo FIFA ladib markii garsooruhu ku tuntey cadaalada ciyaartii aan la ciyaarnay Faransiiska aya lagu yiri qoraalka dacwada ee ay gudbiyeen.

Marooko ayaa qabta inay laga diiday laba gool-ku-laad qaybtii hore ee ciyaarta kadib markii garsooruhu diiday inuu kaamarada dib u daawado sida sharciag ah hadda ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xulka Marooko.

Waxaan rabnaa in si cadaalada wax loo fiiriyo oo aanan ka hari doonin arintan ayay raaciyeen qoraalka xiriirka maamulka kubadda cagta ee Marooko. Waa loo jeeday in laba gool-ku-laad lanaga inkirey qaybtii hore.

Garsooraha oo ka jawaabay dacwada laga gudbiyay ayaa u sheegay xiriirka maamulka kubada ee Marooko inay dacwada u gudbiyaan FIFA hadday helaana ciyaarta dib loo ciyaari doono.

Garsoorahan ayaa noqday mid aad looga qayliyay sida uu u maamulay ciyaaraha qaar. Marooko ayaa rikoodhka jebisay kadib markii ay gaartey ku dhawaadka ciyaarta kama dambeysta markii ugu horeysay.

Rasgiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.