07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Cabdi maxamuud Cumar oo amaanay shirkad wada adeega 3G ee moobilada: SAWIRO

Xaflad casho sharaf oo madaxweynaha ismaamulka Somalida Itoobiya xalay ka qaybgalay ayaa lagu amaanay shirkad isgaadhsiin oo adeega 3G ee moobilada ka wada deegaanada ismaamulka.

Cashada ka dib ayaa madaxweynuhu amaanay heerka ay shirkadu ula tacaalayso gaadhsiinta dhulalka fog fog adeega moobilada ee 3G oo hadda Itoobiya ku faafaya gaar ahaana deegaanada Ismaamulka.

Gudoomiyaha shirkada ayaa isna dhinaciisa amaanay kaalinta dawlad deegaanka uu hogaamiyo madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ka qaadatey hirgelinta hawshan.

Gudoomiyuhu kama waramin ilaa iyo hadda goobaha uu gaaray adeegani 3G ee loo isticmaalayo moobilada kaas oo faaiido weyn ka tari kara isgaadhsiinta deegaanka.

Horumar kala duwan ayaa ka socda deegaanada ismaamulka Somaliya Itoobiya kaas oo aan hore u jirin intii aanu xukunka fuulin madaxweynaha hadda Jira ee Cabdi Maxamuud Cumar.

14991915_1430385216989692_3552794150702862684_n[2]

14907088_1430385213656359_6024024734858368370_n[1] 14907115_1430384736989740_597503222385866727_n[1] 14980782_1430384733656407_3576419819208894614_n[1] 14991863_1430384740323073_7576669245972786655_n[1] 14991915_1430385216989692_3552794150702862684_n[2]

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS