November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweyne Cumar Al-bashiir oo la sheegayo in uu ka baaqdey shirka IGAD ee Muqdisho lagu qabanayo iyo sababta

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-bashiir ayaa la sheegay inuu joojiyay ka qeyb galka Shir Madaxeedka IGAD Ee Qorshuhu yahay in lagu qabto Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho 13-ka Bishaan oo ah Salaasada soo socota.

Sargaal u hadlay Dowladda Suudaan ayaa u sheegay Warbaahinta in Madaxweyne Al-bashiir uu joojiyay ka qeyb galka Shirka IGAD sababo la xariira in lagu xiro Magaalada Muqdisho,maadaama ay Madaxweyne Al-bashiir ay ku raad joogto Maxkamadda ay Reer Galbeedka ugu yeeraan International Criminal Court (ICC) oo kaliya qaada Dambiyada ay galaan Hogaamiyaasha Afrikaanka ah.

Cumar Al-bashiir ayaa qaba Cabsi ah in lagu xiri karo Muqdisho,maadaama Dowladda Federaalka ee Beesha Caalamka ay Taageerto aysan la heyn Awood ay ku Difaacdo ayna dhici kartana in Muqdisho Al-Bashiir oo Katiinadeysan laga kaxeysto.

Horay Shirka Midawga Afrika mar uu uga qeyb galay Dalka Koofur Afrika ayey Reer Galbeedku ku baaqeen in la xiro,balse Dowladda Koofur Afrika oo Heshiiska Maxkamadda International Criminal Court (ICC) Saxiixday wey diiday in ay dhiibto Al-bshiir Madaxweynaha Suudaan.

Soomaaliya Inkastoo aysan la heyn Awood looga baqo haddana ka mid ma ahan Dalalka Saxiixay ka mid noqoshada Maxkamadda ICC. Inkastoo ayna askarta shisheeye xiri Karin Cumar Al-Bashir haddana lama garan karo sababta go’aankaas loo faafiyay.

world01+pix[1]

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS