X

Madaxweyne dalkiisa ka mamnuucay erayga cudurka Kooro

Madaxweyne dal Muslima oo ka mid ahaa midowgii Soofiyeeti ayaa dalkiisa ka mamnuucay erayga Kooro ama Koroona. Cidii ku hadasha ama wax ku qorta warbaahinta waxay muteysan jeel. Madaxweynaha Turkministan ayaa qoraal hoose u sheegay.


Waa dalkii u horeeyay ee mamnuuca isticmaala erayga Kooro. Dalka laftiisa ayaan gebi ahaanba cudurku ka jirin. Waxa warkan soo gudbiyay hay’adda basaaska ah ee sheegata dhaqaatiirta bilaa xuduuda ah ee loo soo gaabiyo MSF.

Dalkan oo leh kheyraad balaadhan oo dabiici ah haddana dadka badankiisu waa ka baahan yihiin waana baadiye, inkastoo caasimada dalkaasi ay ku jirto magaalooyinka ugu qurxoon aduunka.


Madaxweyne Gurbanguly ayaa xukunka qabsaday sanadii 2006 wuxuuna dadka u sheegaa inuu yahay badbaadiyaha.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.