X

Maraykanka oo sii xumeeyay sheekada weriye sirdoonka Somaliya ku dhegan yahay

Daraad ayay ahayd markii sirdoonka Somaliya uu baraha bulshada soo dhigey weriyaha u shaqeeya idaacada codka Maraykanka ee lagu magacaabo Haaruun Macruuf. Hay’adda sirdoonka ma soo bandhigin eedaha ay ku haysato.



Waxa dhinaca afka xidhey weriyaha eeda loo jeediyay. Dadka badankooda xataa dhalinta ayaa la yaabay hay’ad sirdoon oo ku jirta baraha bulshada lama garan halka fikirkaas laga keenay.

Waxa sheekada sii xumeeyay Maraykanka oo sheegay inuu taageersan yahay weriyaha ka shaqeeya idaacadooda oo macnaheedu yahay inay ku raacsan yihin waxkasta oo lagu haysto, difaacina doonaan, taas oo ku furaysa dalka iska hadasho miidhan, ayagoo ku andacoonaya xor baan nahay.



Waa muhiim in dalka sirtiisa qarsoon tahay laakiin marka nin Somali ah uu sirta dalka ka dhigo wax aan jirin oo dadka jooga meelaha muhiimka ay iibsanayaan xogaha jirta, waa dhibaato horleh oo fiican in gacan bira looga hortago ayuu yiri Cali Calasow.

Waxa muhiima in weriyaas iyo kuwa la mida ee u shaqeeya gaalada ayna dareemin inay waxay rabaan qori karaan, si musuqana ku iibsan karaan sirta dalka.

”Maraykanka iyo Yurub waa aabaha musuqa, waxayna ku bixiyaan malaayiin doolar si ay u heli lahaayeen sirta qaranka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.