X

Madaxweyne Dayib Erduqaan oo ka xanaaqay maraakiib Maraykanku leeyahay

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa ka xanaaqay maraakiib Maraykanku leeyahay oo uu ka soo buuxiyay Giriiga kuna sheegay kuwa ka horjeeda Ruushka. “Wax aanu qaadan karno maaha maraakiibta Maraykanka ee jooga Giriiga oo hadda gaaraya 9, yaa loo soo direy ayuu yiri Rajab Dayib Erduqaan.


Turkiga iyo Maraykanka ayaa xiriirka hadda u dhexeeyaa uu dhulka galay weliba cajuus Baydan oo sheegay inuu xukunka ka tuurayo Dayib Erduqaan.

Inkastoo Maraykanka ku leeyahay saldhig milatari jasiiradaha Giriiga ee ay hore u aasaaseen Cusmaaniyiintii haddana ma jirin sii balaadhin lagu sameeyay. Giriiga ayaa Turkiga ku haysta dhul badan oo Turkigu leeyahay oo ay ku jirto saliid.

Madaxweyne Rajab Dayib Erduqaan ayaa la kulmay madaxweynaha Finasuweela oo ay colaad badani kala dhaxayso Maraykanka.



Maraykanka ayaa si toosa ula safan Giriiga xiisada dhul ee u dhaxaysa labada dal ee Giriiga iyo Turkiga. “Ha moodin inaan kaftamayno shacabka Turkiga way ka go’an tahay inaan dhul ay leeyihiin la qaadan karin ayuu yiri Dayib Erduqaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.