X

Yukrayn oo gubtey qamadi yaalay deked laga qabsaday

Ciidanka Yukrayn ayaa gubey qamadi aad u farabadan oo yaalay xeebta dalkaasi kadib markii xoog looga saaray magaalooyinka xeebaha ee dalkasi. Ciidanka Ruushka ee baacsanayay ayaa arkay raashin aan waxba qabin laakiin la gubey.


”Qamadigan ayaa haba yaraatee hadda laga faaiideysan jirey maadaama uu si xun u gubtey waxana muuqata in gaas la qabadsiiyay ayuu yiri sarkaal u hadlay ciidanka Ruushka.


Adduunka yaa Ruushka ku eedeeyay inuu xanibay qamadiga Yukrayn halka runtu tahay in Yukrayn si ula kaca bakhaarada ugu hayso dalaga soo go’ay ee u baahan keliya in la dhoofiyo.



Cunaqabatayna ay Maraykanku saareen ayaa keentay in aduunka intiisa kale iyo iyaguba ka qaadaan sicir barar farabadan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.