November 19, 2025

ARAABINEWS.COM

News and entertainment

Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre oo u yeeray Yusur Abraar

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre ay u yeereen gudoomiyihii hore ee bangiga dhexe ee ka dayrisay xaalada musuq ee dalka Yusur Abraar.

Ilo-wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’isul-wasaaraha ayaa sheegayo in Yusur Abraar safka hore kaga jirto Mas’uuliyiinta Xilalka Qaranka loo dhiibi doono, balse ma kala cadda in loo magacaabi doono Xil Wasiir ama ay noqon doonto Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somaliya.

Waxase loo badinayaa in loo magacaabi doono wasiirka maaliyada ama qorsheynta. Yusur Abraar ayaa khibrad weyn u leh dhimnaca dhaqaalaha.



Yusur Aadan Abraar waxay Masraxa Siyaasadda ku soo biirtay sannadkii 2013-kii, waxay iyada iyo Madaxweyne Xasan Sheekh markii ugu horreysay isku barteen Shirkii Caalamiga ee Hiigsiga Cusub ee bilowgii bishii September ee sannadkii 2013-kii lagu qabtay Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Xilka Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Somalia ayaa loo magacaabay Bishii September 13-dii ee sannadkii 2013-kii, balse kuma aysan raagin Xilkaasi oo ay iska casishay bishii October 30-dii ee isla sannadkaasi.

Yusur Aadan Abraar ayaa shaacisay inay jiraan Qaladaad Musuq ah, isla markaana sifo aan sharci lahayn Malaayiin Dollar lagala baxay Khasnadda Bangiga Dhexe ee Somaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS