Madaxweyne Farmaajo ayaa amaanay shacabka reer Qardho oo si weyn u soo dhaweeyay. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda ku sii jeeda magaalada xeebta ah ee Boosaaso waxana lagu soo dhaweeyay deegaanka Waaciye.
Madaxweynaha ayaa xalay u hoyday magaalada Qardho.
“Walaalayaal soo dhaweyntiina diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taageeradiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.”
[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=jviXrfTUBH8[/embedyt]
Amniga Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay ayadoo sawirka madaxweynaha uu ku dhejisan yahay meelkasta.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay