X

Madaxweyne Farmaajo oo amaanay shacabka reer Qardho iyo safarkiisa Boosaaso

Madaxweyne Farmaajo ayaa amaanay shacabka reer Qardho oo si weyn u soo dhaweeyay. Madaxweyne Farmaajo ayaa hadda ku sii jeeda magaalada xeebta ah ee Boosaaso waxana lagu soo dhaweeyay deegaanka Waaciye.

Madaxweynaha ayaa xalay u hoyday magaalada Qardho.

“Walaalayaal soo dhaweyntiina diirran waxa ay ka tarjumeysaa in aad tihiin dad dowladdooda jecel, anagana waxaa nagu ballan ah in aan idiin adegno. Idinkana waxaan idinka codsaneynaa in aad taageeradiina sii waddaan oo aad garab istaagtaan dowladdiina.”



[embedyt] https://www.youtube.com/watch?v=jviXrfTUBH8[/embedyt]



Amniga Boosaaso ayaa aad loo adkeeyay ayadoo sawirka madaxweynaha uu ku dhejisan yahay meelkasta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.