Madaxweyne Farmaajo ayaa arkey lacagta cusub ee dalku yeelanayo. Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmey dhigiisa dalkaasi Suudaan.
“Mudane Madaxweyne, muddo labo maalmood ah oo aad nala joogteen aad bay noo farxad galisay. Maanta baahi wayn ayaan u qabnaa in aan garabkeenna ka aragno Soomaaliya oo midaysan, horumarsan oo awood leh, waana naga go’antahay in aan garab idinku siinno.”
Madaxweynaha ayaa yiri “waxaan ku xaqiijinaaya Mudane Madaxweyne in higsigeenna ku aaddan iskaashiga iyo horumarka uu mira dhal u muuqda, haddii aan Alle kaashanno, kana dhabayno qorsheyaasha aan hiigsaneyno.”
Intaas kaddib, Wasiirada labada dowladood ee wada xaajoodka ka qayb galay waxa ay heshiisyo ku kala saxiixdeen xarumaha Wasaaradaha Dowladda Suudaan.
Heshiisyadan ayaa ku saabsan amniga, iskaashiga caalamiga ah, waxbarashada, beeraha, fanka, ciyaaraha, socdaalka iyo duulista hawada. Diblomaasiyiinta ka hawlgala Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa iyagana tababarro ku qaadan doona dalka Suudaan.
Dhanke kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa galinkii hore kormeeray warshadda lacagta, gaar ahaan kayd ay ku jirto lacag cusub oo dowladda Suudaan ay u daabacday Soomaaliya oo hawsheedu ay soo bilaabatay 2011kii iyo warshadda Yarmuuk ee soo saarta qalabka ciidamada.







Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay