07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo booqdey ciidamada dagaalka loo diyaariyay: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqdey ciidamada dagaalka loo diyaariyay ee ku Jira. Ciidamadan oo tayadoodu liidato maadaama dalku cunaqabatayn ku jiro ayaa si fiican uga sifayn lahaa argagixisada.

“Waxa ay ogaandoonaan in shacabka Soomaaliyeed ay leeyihiin geesiyaal si deg deg ah uga jawaab celiya dhibaata kasta oo lagu sameeyo dadkooda. Waxaan tusinaynaa in aan diyaar u nahay in aan u hurayno nafteenna iyo maalkeena badbaadinta dadkeenna iyo dalkeenna.”



Saraakiisha iyo ciidanka ayaa Madaxweynaha u xaqiijiyey sida ay uga go’antahay in ay soo afjaraan khatarta argagixisada Alshabaab ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyagoona ugu baaqay dhammaan shacabka in ay garab ku siiyaan dagaalkan.



“Bilihii ugu dambeeyey waxaa aan u diyaar garoobaynay maanta oo kale, waana la joogaa. Mudane Madaxweyne, Ciidanka Xoogga Dalku waxa ay sugaayaan oo kaliya waa amarkaaga iyo in aad na tiraahdo ku dhaqaaqa cadowga.” Ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha xarunta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS