Madaxweyne Farmaajo ayaa booqdey magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud. Waa mdaxweynaha weheliya madaxda Galmudug. Shacabka ayaa kaga hortagay duleedka magaalada.
Dadweynaha ayaa ku labisnaa calanka iyo sawirka madaxweynaha kuna qaylinaayay madaxweyne soo dhawoow.
Ammaanka magaalada Caabudwaaq ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana sugidda amniga iska kaashanaya Ciidanka Dowladda Federaalka, kuwa Galmudug iyo Ciidanka AMISOM.
Ciidamada ayaa howlgal ay sameeyeen waxa ay ku soo qabteen Maleeshiyaad Hub ku dhex sitay magaalada, kahor inta uusa Madaxweynaha gaarin magaalada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu ku marayo magaalooyinka qaar ee dalka waxaa la filayaa inuu ku soo gabagabeeyo Magaalada Caabud-waaq hadaanu u soo jeesan dhanka Mudug.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay