Madaxweyne Farmaajo ayaa booqdey xarunta gurmad-qaran ee magaalada Muqdisho halkaas oo laga hagayo gurmadka loo fidinayo dadkii ku dhaawacmey weerarkii argagixisada Wahaabigu gaysatey.
Ila hadda dawlada Turkiga aya gurmadka ugu weyn fidisay halkaas oo ay saaka ka qaadey ilaa 40 qof oo ahaa dhaawicii ugu darnaa. Dadka badankooda ee ku shahiidey goobta ayaan la garanayn maadaama jirkoodu xubno ka wada go’een.
Xaruntan ayaa waxa ka hawlgala dhalinyaro si tabaruca ugu adeegaya walaalahooda argagixisada Carabtu maalgeliso ku xasuuqdey Muqdisho, weyna ku farxeen inay arkaan madaxweynaha.
Qeybta ugu mashquulka badan ayaa ah qaybta dadka raadinaya dadkooda halkaas oo madaxweynuhu ka jawaabey hal telefoon oo hooyo ku raadinayso cunugeeda magaceedana ku qorey buuga.
Masiibada argagixisadu ka gaysatey Muqdisho ayaa ka weyn dawlada taagta daran ee la rabo in la sii diciifiyo.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay