X

Madaxweyne Farmaajo oo furey barnaamijka isdhexgalka bulshada una socda Qadar

Madaxweyne Farmaajo ayaa furey barnaamijka isdhexgalka bulshada una socda Qadar. Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay goobta ayaa amaaney isdhexgalka bulshada ku nool Muqdisho oo hore isku cuntey.



Madaxweynaha waxaa uu sheegay in maamulka gobolka Banaadir laga doonaayo in ay shaqo badan qabtaan, maadaama la doonaayo in la suggo Ammaanka Muqdisho.



Barnaamijkan looga gol leeyahay xaqiijinta ammaanka caasimadda oo muddooyinkii u dambeeyay dilalka ku soo badanayeen, waxaana todobaadkii hore kaliya Muqdisho lagu dilay dad ku dhow toban ruux.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa tagi doona dalkaasi yar ee Qadar waxaana ka mid noqon doona weftigiisa , Wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka safarkan ayaa ah sidii loo kala saxiixan lahaa heshiisyo badan oo dhinaca ganacsiga ah, horumarinta iyo amniga, Qatar waxay sidoo kale caawin doonta dib u qalabeynt ciidanka.

Amiir Sheekh bin Hamad al-Thani ayuu la kulmi doona si uu ugala hadlo xiriirka labada dhinac iyo rajooyinka horumarineed.

Warbaahinta dowladda Qadar ayaa si ballaaran uga hadlaysa Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doona Magaalada Dooxa.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.