X

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb iyo soo dhaweyn balaaran oo loo sameeyay: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray Dhuusamareeb oo ah xarunta maamulka Galmudug halkaas oo soo dhaweyn balaaran loogu sameeyay.

Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya waxaa ka mid ah Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari iyo xubno kale.



Banaanka magaalada waxaa Madaxweynaha uga hortagay masuuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Hirshabeelle (Waare), oo maanta gaaray Dhuusa-mareeb, Madaxa Xukuumada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, xubnaha labada Golle ee Galmudug iyo dadweyne fara badan oo Haween iyo caruur u badan.



Ammaanka magaalada Dhuusa-mareeb ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana wadooyinka waa weyn lagu daadiyay Ciidamo hubeysan oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug, Ciidamada ayaa sameeyay Howlgallo amni xaqiijin ah.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.