Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray magaalo xeebeedka Hobyo isla markaana dhagax dhigey deked ay yeelan doonto magaaladu. Waxa si weyn loogu soo dhaweeyay. Amniga goobta ayaa waxa sugayay ciidanka Danab oo lagu yaqaan karti.
Madaxweynaha ayaa waxa ka sii horeeyay siyaasiyiinta deegaanka iyo kuwa Galmudug qaar ka mida. Waxa la filayaa inuu dhagax dhigo deked ay yeelato degmada Hobyo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa diyaarad ka soo qaatay magaalada Cadaado oo uu maanta tegay halkaana ku soo qaboojiyay oday dhaqameedka degmada oo ka cawdey heshiiskii Ahlu Sunna.
C/llaahi Warmooge#
ARAABINEWS