X

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Suudaan iyo soo dhaweyn loo sameeyay: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray Suudaan halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn aad u balaadhan. Farmaajo ayaa booqashadii u horeysay Suudaan ayado madaxdii ka horeysay ayna ka dhamaan.

Garoonka Diyaaradaha magaalada Khartoum ee dalka Suudaan waxaa ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dalka Suudaan, Saraakiil Ciidan, Soomaalida ku dhaqan dalkaasi iyo xubno kale.



Safarkan waxaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ku wehliya Marwada koowaad ee dalka iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanno iyo Taliyaha Ciidabka Booliiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa dalka Suudaan kulamo kula qaadan doona madaxda dalkaasi, iyaga oo ka wada hadli doona iskaashiga labada dalka iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Waxbarashada.



Booqashada Madaxweynaha ayaa la qorsheeyey iney qaadato muddo labo maalin ah, waxaana lagu wadaa in sidoo kale Madaxweyne (Farmaajo) uu la kulmo Soomaalida ku nool Suudaan.




C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.