X

Xildhibaanadii xilka ka tuuri lahaa Shariif Xasan oo Baydhabo ku sii jeeda

Xildhibaanadii xilka ka tuuri lahaa Shariif Xasan ayaa Baydhabo ku sii jeeda. Warkan waxa xaqijiyay Xildhibaan Dhubad Maxamed Dhaqane oo ka mida xildhibaanada Koofur galbeed.

Waxaa uu sheegay in xildhibaanada Koonfur Galbeed ay qaateen Go’aan mid ah kaasoo ah in xilka laga qaado Madaxweyne Shariif Xasan.



16-Ka Bishaan ayuu sheegay in kulanka Baarlamaanka uu ku furmi doono Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Shariif Xasan .

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Magaalada Baydhabo waxaa ka taagnaa xiisad siyaasadeed oo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi ay wadeen , kuwaa soo sheegay in ay xilka ka tuurayaan Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.



Shariif Xasan ayaan waxba ku soo kordhin maamulka Koofur Galbeed an ka ahayn in uu wax ka sii rido mooyee.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.