Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray xerada 21-aad ee ciidankii qaranka ee Galguduud. Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb ku sugan halkaas oo soo galbin loogu samaynayo madaxweynaha Galmudug.
Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka, kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah argagixisada.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliyaan madaxda Galmudug, mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda, wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS


Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay