X

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray xerada 21-aad ee ciidankii qaranka ee Galguduud: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa gaaray xerada 21-aad ee ciidankii qaranka ee Galguduud. Madaxweynaha ayaa Dhuusamareeb ku sugan halkaas oo soo galbin loogu samaynayo madaxweynaha Galmudug.



Wuxuu warbixin ka dhageystay saraakiisha qeybta 21-aad ee Ciidanka Xooga dalka, kuwaasi oo ka warbixiyay baahiyaha ay ciidamadu qabaan iyo sida ay ugu diyaar san yihiin gulufka ka dhanka ah argagixisada.



Madaxweynaha Soomaaliya oo ay weheliyaan madaxda Galmudug, mas’uuliyiin iyo saraakiil kale ayaa amaan iyo bogaadin ujeediyay ciidamo halkaasi ku sugan iyo saraakiishooda, wuxuuna sheegay in ay kaalin mug leh ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.