X

Shirka madaxweyne Farmaajo ka furey Garoowe siduu ku yimi waxse maka soo bixi karaan: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe ka furey shir aan Somalidu wadan oo ah mid laga soo diyaariyay Nayroobi kadibna la dul keenay madaxda Somalida. Shirkan oo aan loo dhamayn ayaa waxa jooga oo fadhiya shaqsiyaad xilkii laga qaaday oo aan tegi karin deegaano ka tirsan maamulada ay sheeganayaan.


Shirkan oo fashila ayaa ujeedadiisu yahay in dalka loo duwo danaha waxa loogu yeero beesha caalamka ay ka leeyihiin oo ah in firqo firqo dalku ahaado jufo kastana meesheeda ugu tagaan.

Shirkaan ayaa lagu tagey qorshe laga soo diyaariyay Nayroobi oo deg dega maadaama laga weecinayo qorshaha dawlada ee dib u soo celinta sharafta ummada Somaliyeed, inkastoo ayna la imaan talaabooyin la arki jaro ilaa hadda.


War murtiyeedka laga soo saarayo ayaa ahaan doonin mid wax ku oola maadaama qodobada badankooda u baahan yihiin in Somalidu guud ahaan ka wada tashato oo ayna go’aan ka gaari karin marka la fiiriyo qolo ahaanta inta fadhida goobtan.

Qodobada sida in la qaato nidaamka gaalada ee federaal ama xaafad xaafad oo Somaliya ayna qaadi karin iyo waxa la socda ee ku hoos jira.


Faaiidada kaliya ee shirkan ayaa ah in Axmed Madoobe iyo Xaaf oo sharciyad haysan ay damaanad ka qaataan madaxweynaha inuu taageero doorashadooda ama xaliyo qilaafkooda.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.