X

Madaxweyne hore oo Hargeysa yimi iyo wax loo sheegay

Madaxweynihii hore ee dalka musuqa badan ee Nayjeeriya Obasanjo ayaa Hargeysa ku soo qaldamay maantana la kulmey Muuse Biixi. Obasanjo ayaa magaca Somaliland ka dhegeystay idaacada Xawsaha ku hadasha ee BBC oo si aada u faafisa magaca Somaliland.


Waxa raacda idaacada kale ee isla Ingiriiska ee BBC focus on Afrika oo Afrikada kale si fiican iyana u barta Somaliland. Obasanjo oo halkaas ka duulaya ayaa iska soo xaadiriyay Hargeysa lana kulmey Muuse Biixi.

Maadaama Ingiriisku joogey Woqooyiga wuxuu idaacadihiiaa ka sheegaa inay go’een oo dib ula soo noqdeen wixii hore laakiin xaqiiqda jirta uma sheegeen.


Waxay taasi keentay in madax badan oo Afrikaana oo Ingiriisku gumeysan jirey sida kuwa Gaana, Nayjeeriya iyo kuwo kale ay yimaadaan Hargeysa.

Dagaalka dhinaca saxaafada waxa maamulka Sonaliland ka caawiya idaacada Ingiriiska ee BBC iyo afafkeeda kale duwan ee ka baxa.

Muuse Biixi laftiisa ayaa yaaban markuu arkey nin wejigiisa ay u yaqaaniin Wanlaweyn oo madaarka ka soo degay lana kulmaya. Ma oga in idaacadu shaqaynayso.

Obasanjo oo 82 jira ayaan waxba ku soo kordhin karin maaulka. Markii uu ahaa gudoomiyaha ururka Afrika wuxuu soo direy guddi fashilmey oo xaqiiqda soo taabtey.

Maxamef Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.