Madaxweynaha cusub ee Somaliya Maxamed Farmaajo ayaa Muqdisho la sugey amnigiisa xilli argagixisada shabaab ay jeclaan lahayd in ay arbushto.
Huteelka la dejiyay madaxweyne Farmaajo ayaa waxa amnigiisa lagu wareejiyay ciidamada NISA iyo kuwa Amisom e ka socda Yugandha.
Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la dejiyey hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ahaa hotelkii la dejiyay Xasan Sheekh Markii xilka loo doortay 2012.
Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh ayaa la xusuustaa in lagu weeraray Hotelka Aljazeera isagoo aan weli xilka la wareegin, waxayna argagixisada ah Alshabaab weerar ku qaaday hotelka xilli ay ku sugnaayeen wafdi ka socday dowladda Kiiniya.
Kadib markii ay dhammaatay doorashada waxaa Hotelka ku soo ururray siyaasiyiin, madaxda dowladda iyo dad fara badan oo u hambalyeynayay Farmaajo, waxaana buux dhaafiyay siyaasiyiin doonaya inay madaxweynaha cusub isu muujiyaan.





C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS

Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay