X

Madaxweyne Farmaajo oo ka degay Yugaandha kadib safarkii Turkiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka degay Yugaandha kadib safarkii Turkiga halkaas oo uu wadahadal la qaatey madaxweyne Erdouqaan. Madaxweyne Erduqaan ayaa balan qaadey inuu sii kordhiyo wada shaqaynta uu la leeyahay dawlada iyo shacabka Somaliyed.


Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Madaxweyne Ordogan horumarka ay Dowladda Soomaaliya ku tallaabsatay muddadii la soo dhaafay iyo yoolka ay hiigsanayso, isagoona adkeeyey muhiimadda xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo ku saleysan is oggolaanshaha labada shacab ah, danaha iyo aragtiyaha ay wadaagaan labada dowladood iyo taariikhda faca weyn ee ka dhexaysa labada dal.


Madaxweyneaha ayaa kadib u baxay dalkaasi Yugandha oo Somaliya ay ka joogaan ciidanka ugu badan ee argagixisada ka xoreeyay Muqdisho iyo gobolada Koofurta.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.