X

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Garoowe iyo qaabkii loo sagootiyay: (daawo)

Madaxweynaha Somaliya oo baryahan ku sugnaa magaalada Garoowe halkaas oo shir uga socdey dawladda iyo qaar ka tirsan maamulada jira loona dhameyn ayaa soo xirey shirkaas.

Horjoogeyaal iyagu dantooda iyo tii shisheeyaha ka waayay shirka ayaa shalay galab ka hulaalay Garoowe.


Qaarkood sida Xaaf oo Dhuusamareeb ay ku hayaan ururka Ahlu sunna ayaa isaga si deg dega looga yeeray Nayroobi si uu wadatashi ula qaado shisheeyaha.

Maamulada kale ee Hirshabeele, Koofur galbeed iyo Puntland ayaan welli ka hadlin kulankan waqti lumiska ahaa ee dawladu markale ku sharaftey Siciid Deni oo welli diidan inuu Muqdisho tago.



Dawlada ayaan welli war rasmiya ka soo saarin shirka iyo in ugu yaraan faaiido laga gaaray kulankan markiisii hore waqti lumis ahaa.

Somaliya ayaa hoosta loo geliyay nidaam qabili ah oo xaafadeysan oo ayna qaadi karin, waxa dabada ka riixaya shisheeyaha aan rabin in dalku yeesho dawlad dhexe oo adag.

Haba la qaato nidaam qabiliya o federaal.loogu yeero laakiin in jufo kasta tiraa anaa madaxweyne ah, gole iyo dastuur ayaan leehay ayaan haba yaraatee dan u agayn shacabka lagu tuntey 30-ka sano.

Hoos ka daawo

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.