07/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofey Muqdisho kuna sii jeeda Yugandha iyo ujeedada

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhoofey Muqdisho kuna sii jeeda Yugandha. Dalka Yugandha ayaa waxa Somaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee la dagaalamaya argagixisada.
Argagixisada ayaa xasuuqdey dad ka badan 400 oo qof waana ta keentay in madaxweyne Farmaajo raadiyo jawaab saxa oo kulul oo lagu burburiyo argagixisada.



Wadamada caawiya hawlgalada Amisom ayaa iyagu ka gaabsadey farahana ka qaadey in la sii xoreeyo inta yar ee argagixisadu welli ku sugan tahay.



Safarka madaxweynaha ayaa la filayaa in ay u sii raacdo wadamada Itoobiya iyo Jabuuti. Taliyaha cusub ee ciidanka ayaa sheegay in safarka madaxweynuhu uu go’an yahay.



Wuxuuna raaciyay in ujeedadu tahay in dhirbaaxo kulul lagu dhifto argagixisada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS