09/02/2026

ARAABINEWS.COM

War la hubo iyo Madadaalo

Madaxweyne Farmaajo oo kormeer kedisa ku tagey xero ciidan: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa kormeer kedisa ku tagey xero ciidan oo ku taal Muqdisho halkaas oo ay ku jiraan ciidan loo tababaray soo celinta amniga iyo la dagaalanka argagixisada.




“Waxaan idin ku ammaanayaa in aad ajiibteen codsigaygii ku saabsanaa in la helo mutadawiciin ka qeyb qaata difaaca dalka, Waxaan rajeynayaa in aad noqotaan kuwii ka xoreeyn lahaa dalkan nabaddiidka caadeeystay in ay si arxan darro ah u daadiyaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.




Kormeerkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Mudane Xasan Cali, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaraal Cabdiweli Jaamac Gorod, Taliye Ku Xigeennada iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS