X

Madaxweyne Farmaajo oo ku sii jeeda Guriceel xalayna xaflad ka qaybgalay: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku sii jeeda Guriceel xalayna xaflad ka qaybgalay.

Xaflada oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Galmudug ayaa waxaa ka qeybagalay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo qeybaha Bulshada iyo amrtida ku sugan dhuusamareeb.



Dhammaan madaxdii iyo Bulshada ka qeyb gashay Xaflada ayaa dowladda uga mahadceliyay sida dowladda Soomaaliya waqtiga u gelisay in nabad loo kala dhexdhigay Madaxda Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna oo ku biirtay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa saacadaha nasoo aadan waxa uu tegi doonaa Magaalada Guriceel iyada oo qaban qaabada soo dhaweyntiisa ay ka socoto halkaas.



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.