X

Madaxweyne Farmaajo oo kulan ugu baaqay maamul jufeedyada

Madaxweynaha Somaliya ayaa soo saaray qoraal ku aadan kulanka maamul jufeedyada iyo dawlada dhexe ee doorashada ay kooxda sheegata beesha caalamka ay dib u dheceeda dib u riixayaan. Qoraalka ayaa lagu sheegay in berito oo bishu tahay 18 inay kulan isugu yimaadaan magaalaada Muqdisho.


Ma muuqato in maamul jufeedyadu soo socdaan qaasatan labada ay wataan kooxda sheegata beesha caalamka waxana sidii caadiga ahayd ay imaan doonaan xilli dambe ama Sabtiga.


Shalay ayaa qoraal ka soo baxay guddiyo dawladu magacowday iyo maamul jufeedyada oo ka dhacay Baydhabo ayaa waxa la sheegay in heshiis hordhaca laga gaaray qodobo ay ku dheganaayeen Kiiniya iyo kooxda sheegata beesha caalamka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.