X

Muuse Biixi oo bilaabay inuu raafo Oromada Hargeysa ku nool

Horjoogaha maamulka Somalilaan ayaa saaka ka bilaabay magaalada Hargeysa inuu ka raafo Oromada ku soo badanaysa kuwaas oo hadda bilaabay inay dawarsadaan. Waxa jira dad aad u badan oo dhibsaday Oromada faraha badan ee dawarsanaysa halkii markii hore ay shaqaysan jireen.


Askarta Muuse Biixi ayaa suuqa ka qabtey ku dhawaad boqol Oromo ah oo dawarsi lagu arkey kadibna la geeyay meel lagu xereeyo oo banaan oo dibedda magaalada halkaas oo la sheegay in dalkooda dib loogu celin doono.

Xadka Somaliya uu la leeyahay Somli galbeed ayaa iska furan qaasatan dhinacooda taas oo keentay in Oromada shaqo raadiska iyo kuwa tahriibayaba ay soo maraan xadka furan.


Waxa Somaliya ku nool kumanaan Oromo ah oo qaarkood ka mid noqday dadka magaalooyinka ay degan yihiin, waxana is dhexgalkaa keenaya Oromada timaada oo badankoodu ah dad Muslim ah oo dhaqan la wadaaga  Somalida.

”Ma filayo inay xalinayso raafkani waayo dalka dawlad sugta xuduudaheda kama jirto ee waxa jirta jufo ku koban magaalooyinka keliya ayuu yiri Xuseen Warsame.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.