Madaxweyne Farmaajo ayaa la filaya inuu ka qaybgalo ciyaarta xulka Somaliya iyo Tansaniya ee dhalinta 17 jirka ah. Xulka Somaliya ee 17 jirka ah ayaa markii ugu horeysay u soo baxay ciyaarta kama dambeysta.
Somalida meelkasta oo ay joogto ayaa ciyaartan il-gaara ku eegaya. Haddii ay badiyaana taariikhda geli doonta. Ciyaartan kama dambeysta ayaa ka dhacaysa dalkaasi Burundi oo sanadkan martigelinaya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa raba inuu goobjoog ka noqdo guul la fili karo inay halkaas ka timaado.
Xulka Somaliya ayaa markaliya garaacay xulka Tansaaniysa ee dhalinta 17 jirka. Halka Tansaaniya inta badan ay guulaysan jirey.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay