X

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey guddiga dhaqaalaha berina u baxaya Jabuuti: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmey guddiga dhaqaalaha ee dhawaan ay abuureen. Madaxweynaha ayaa sheegay in hawl adag u taalo guddigan. Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Dowladdu ku kalsoon tahay in xubnaha Guddigani ay ka soo dhalaali doonaan shaqooyinka loo igmaday, maadaama lagu soo xulay aqoonta iyo khibradda ay u leeyihiin dhaqaalaha.


Xubnaha Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa uga mahadceliyey soo dhaweynta iyo dhiirrigelinta uu u sameeyay.
Guudiga dhaqaaleyahanada ayaa ballanqaaday in ay dadaal dheer ku bixin doonaan sidii ay cilmi-baaris iyo xog ururin uga sameyn lahaayeen dhaqaalaha dalka, una soo gudbin lahaayeen talooyin wax-ku-ool ah oo kor u qaadaya ganacsiga iyo heerka nolasha shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca kale warar na soo gaaray ayaa sheegaya in madaxweyne Farmajo beri u bixi doono Jabuuti si uu u soo afjaro muranka ka dhashay hadal uu madaxweynuhu sheegay.


Eritariya ayaa kusoo durugtey buur xeeba oo Jabuuti leedahay, waxayna ka xanaaqeen hadalka madaxweynaha ee ah waa in cunaqabatayna laga qaadaa.

Wefdi ka socda Eritariya ayaa Muqdisho soo gaaray si ugu gogol xaaraan kulan dhexmari doona madaxweynaha Somaliya iyo kan Eritariya.


C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.