X

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey maamul goboleedyada Somaliya: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmey qaar ka mida maamul goboleedyada Somaliya oo shalay ahayd inay yimaadaan Muqdisho laakiin shalay ilaa manta soo wada gaaray caasimada.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda maamulada, Puntland, Galmudug, Jubbaland, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.



Intii uu socday kulankaan ayaa lagu faaqiday Xaaladdaha hadda dalka ka jira iyo sidoo kale Qaraxyaddii ka dhacay Magaalada Muqdisho shalay iyo xasuuqii balaarnaa ee 14-kii bishan.

Shirkan ayaan la filayn inuu wax ka bedeli karo xaaladaha ka jira dalka Koofurta dalka iyo bartamaha, waxayse u tahay fursad maamulada magacaaban ee Koofurta inay la shaqeeyaan dawlada diciifka ah kana fogaadaan inay u shaqeeyaan dawlado shisheeye.



Muranada soo noqnoqda ayaa inta badan ku salaysan dano shaqsiyeed ayadoo meesha ay ka maqan tahay danta guud iyo awood kala hagta oo ay furan yihiin meelo badan oo dawlada diciifka ah lagu khalkhalin karo hadayna u hogaansamin danaha shaqsiyeed iyo kuwa caalamkaba.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.