X

Madaxweyne Farmaajo oo la ogaadey sababta uu u tagi waayay suuqii gubtey ee Muqdisho

Xog laga ogaadey sirdoonka NISA ayaa lagu ogaadey sababta Madaxweyne Farmaajo u tagi waayay suuqii gubtey ee magaalada Muqdisho ayaa wararku sheegayaan sababta.



Farmaajo ayaa doonayay inu booqdo Dab qasaaro geystay oo ka kacay suuqa Bakaaraha laakiin waxaa la ogaaday in suuqaas oo ay ku badan yihiin argagixisada shabaab laga baqay in ay khakhaliyaan socdaalka kuna soo dhex dhuuntan si ay u qaaruijiyaan madaxweynaha.

Hay’adda Nabad Sugida ayaa ogaatay in suuqa lagu jiro ayna xaalada halis ah dhici karto hadii madaxweynahu uu suuqa tago waxaana durba la wargaliyay madaxda amniga madaxweynaha.



Farmaajo ayaa la sheegay inuu aqbalay talo soo jeedinta ciidanka waxaana uu badalkiisa amray in Taliyaha Nabad Sugida Generaal Gaafoow inuu suuqa booqdo uuna shacabka ka gaarsiiyo fariin uu isaga ka sido.

Arintaan ayaa noqotay midii ugu hadal heynta badneyd labadaan cisho goobaha lagu faaqido siyaasada Soomaaliya waxaana madaxweynaha lagu amaanay sida uu u dhageystay talo soo jeedinta ciidanka.

admin:

This website uses cookies.