X

Madaxweyne Farmaajo oo la yaabay dadka diidan ganacsi wadaaga wadamada geeska Afrika

Madaxweyne Farmaajo ayaa la yaabay dadka diidan ganacsi wadaaga wadamada geeska Afrika una bedelay siyaasad wadaag. Farmaajo oo hadda Turkiga ku sugan ayaa sheegay in Somalidu wadamada geeska kaga horeyso dhinaca ganacsiga.


Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in ayna jirin wax la yiraa siyaasad wadaag laakiin ay jirto waxa la yiraa ganacsi wadaag. Siyaasiyiin hore u fashilmey oo uu u horeeyo Xasan Sheekh ayaa ka hadlay asagoon keenin wax bedela.


”Waxaan markale ku celinayaa si dadka aan fahmin u fahmaan in Somalidu ganacsiga kaga horeyso wadamada geeska ayna tahay waxa aan wadaageyno wadamadaas ayuu yiri Farmaajo

Wuxuu dhinaca kale ku guulaystey inuu kala jaro maamul gobolada iyo Itoobiya ayadoo Itoobiya la baxdey wakiil u joogi jirey Hargeysa.

 C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.