X

Dhacdo naxdin badan ugubna ah oo ka dhacdey duleedka Kismaayo

Dhacdo naxdin badan ugubna ah ayaa ka dhacdey duleedka Kismaayo halkaas oo deegaanka Goobweyn ay gabadh ku sumeysay ayeydeed oo aan la sheegin da’da ay jirto. Dadka jaarka la ah ayaa aad uga naxay dhacdadaan foosha xun.


Ayeeyda la sumeeyay ee u dhimatey ayaa lagu magacaabi jiray Dahabo Maxamed waxana sunta loogu daray Raashinkii Cashada. Gabadha ayaa la sheegay inay suntan ka soo iibisey suuqa magaalada kadib markii ay ka carootey ayeydeed oo la dirirtey.


Suntan ayaa ah nooca lagula dagaalamo cayayaanada beeraha cuna. Masuuliyiinta deegaanka ayaa xaqiijiyay dhacdadaan naadirka ku ah dhaqanka, diinta iyo caadooyinka ay leeyihiin ummada Somaliyeed.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.