X

Madaxweyne Farmaajo oo mar labaad looga yeeray Sucuudiga

Madaxweyne Farmaajo ayaa mar labaad looga yeeray Sucuudiga. Madaxweyne Farmaajo ayaa ka dhoofay garoonka Muqdisho xilli Imaaraadku ka wado dalka khalkha siyaasadeed.



Dawlada Farmaajo ayaa qaadatey go’aan dhex dhexaada arinta muranka siyaasadeed ee diimeed ee u dhexeeya Sucuudiga iyo Qadar. Wararka ka ag dhow madaxweynaha ayaa sheegaya in uu u tagay ka dhabeynta heshiiskii ay dhawaan wada galeen.



Sucuudiga ayaa mashaariic u balan qaadey dawlada lagu sheegay in ay ku kacayso malaayiin doolar. Waa Safarkii Saddexaad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku taggo dalka Sucuudiga  tan iyo markii la doortay.

Farmaajo ayaa la filayaa in uu Sucuudiga uga dacwoodo Imaaraadka oo khalkhal siyaasadeed ku haya dawlada ayagoo adeegsanaya maamul jufeedyada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.