Madaxweyne Farmaajo oo hadal u jeediyay kumanaan daka reer Muqdisho ah oo isugu yimi garoonka kubada cagta ee Banaadir maalinta weyn ee xoriyada awgeed ayaa markale ka hadley dagaalka maamulada Puntlsand iyo Somaliland.
Muuse Biixi ayaa sheegay inuu ku socdo xuduud Ingiriis uga tagey oo Garoowe agteeda ah halka Puntlandna soo dhoobtey ciidamo badan ayadoo sheegtay in Muuse Biixi ku soo duuley goboladii Puntland ee lixda ahaa.
Madaxweyne Farmaajo oo si gaara ula hadlay madaxda maamulka Somaliland ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la sii wado wadahadalo si loo helo Somali mideysan si nabadda.
Xukunka madaxweyne Farmaajo iyo raiisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa markiiba la kulmey mucaarad laga soo abaabuley dalal ka xun kor u istaaga ummmada Somaliyeed.
Waxa garoonka Banaadir ama koonis isugu yimi dadweyne aad u farabadan oo madaxweynaha kala qaybgalay munaasabada ayadoo cadceedu kulushahayna ruxaya calanka qaranka.
Hadalka madaxwynaha ayaa imaanaya ayadoo la sheegayo in argagixisadu xasuuqdey qoys ka kooban shan ruux kadib hoobiyeyaal ay ku soo rideen gurigooda.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay