X

Madaxweyne Farmaajo oo markale kulan ugu baaqay horjoogeyaasha gobolada

Madaxweyne Farmaajo ayaa markale kulan ugu baaqay horjoogeyaasha gobolada oo qaarkood ay ku socoto dib u doorasho ayagoo ilaa hadda ku guuldaraystey inay la kulmaan madaxweynaha oo hore ugu baaqay in laysku yimaado.


Horjoogeyaasha kala ah Cabdiwelli Gaas iyo Shariif Xasan ayaa waxa ku socda doorasho waxayna isku dayeen inay taageero ku helaan la dagaalanka iyo ku mucaaradnimada dawlada weyse ku fashilmeen.

Galmudug ayaa iyadu dooratey madaxweyne cusub oo aan la iska indhatiri karin daacadna u ah hore u socodsinta maamulkooda.


Axmed Madoobe ayaa Kiiniya dabada kaga jira, waxana jira iscun ka bilaabmey Kismaayo oo lagu diley nabadoon dhexdhexaaduin ku jirey.

Axmed Madoobe oo adeegsanaya ciidanka Kiiniya ayaa weerar ku qaaday xaafad ay joogeen dad isaga diidan. Lama garanayo cida dishey nabadoonka.


Isku soo duubaa hadalka madaxwnaha ayaa u muuqda inuu markake cidla ku dhacayo ayadoo dawladaha ka dambeeya horjoogeyashan ay wadaan maalgelintaooda.

ā€¯Waxaan ku amaanayaa dawlada dhexe inay welli danaynayso wadahadalka iyo walaleynta dadka Somaliyeed.

Dalka waxa yaala dastuur gaalo soo dhoodhoobtey oo lagu bede;lay kii hore, waana halka doodu ka taagan tahay.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.