X

Madaxweyne Farmaajo oo Puntland kala shaqaynaya daadejinta maamulka: SAWIRO

Madaxweyne Farmaajo ayaa Puntland kala shaqaynaya daadejinta maamulka.

Madaxweynaha oo si diirran loogu soo dhaweeyey Degmooyinka Carmo, Waaciye, Boosaaso iyo degaannada Sheerbi, Xiddo, Alxamdulilaah, Ceel Daahir, Jiingadda, Wardheer, Yalho, Kalabeyr, Karin iyo Laag oo ka tirsan Gobolka Bari ayaa sheegay in sanadkan 2018 uu noqonayo sanadkii dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, safarkiisuna uu salka ku hayo nabadeynta iyo la tashiga shacabka.



Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu safarka ku jiray waxa uu dhagax dhigay wajiga labaad ee waddo laami ah isku xireysa Ceel Daahir iyo Ceergaabo. Halka uu Deegaanka Kalabeyr ka dhagax dhigay waddo isku xiri doonta deegaankaas iyo Degmada Beyla ee Gobolka Bari.

“In badan oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda deegannadan waxa ay markasta nagala hadlaan sidii adeegyada dowladda ee heer Federaal loogu dhammeystiri lahaa. Anaga oo kaa shaneyna Dowlad Goboleedka Puntland waxaan ka shaqeynaynaa arrinkaas.”



C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.